Taliska Booliska oo ka warbixiyay 20 Shabaab ah oo gacanta lagu dhigay

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen  in ka badan 20 ruux , kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in dadkaasi Ciidanka Booliska ay kasoo xireen qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho, islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sakiyo Xuseen ayaa sheegtay in dadka lasoo qabtay uu ka mid yahay ruux gaari qof Shacab ah uu leeyahay Qarax ku xiraayay.

Waxaa sidoo kale tilmaamtay in Ciidanka Booliska ay toogteen xubin ka mid ah Al-Shabaab oo dhaawacay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda.

Ciidanka Booliska ayay sheegtay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxaana ay shacabka ka codsatay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.com

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.