Khasaaro ka dhashay qarax caawa ka dhacay magaalada Boosaaso

Ciidamo ka tiran kuwa Booliiska Puntland ayaa caawa qarax miino lagula eegtay Isgoyska xaafadda Raxma gaar ahaan aagga iskuul Gaarisa ee magaalada Boosaaso.

Sida aan wararkii ugu dambeeyay sheegayaan Labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliiska ayaa ku dhaawacmay qaraxan miino iyadoo aan la ogeyn khasaaraha dadka rayidka kasoo gaaray qaraxan maadaama halka uu ka dhacay ay tahay goob istiraatiiji ah oo ay adeegsadaan gaadiidka iyo dadweynaha.

Dhaawaca labada askari ee waxyeeladu ay kasoo gaartay qaraxa miino ayaa xiligan lagu dabiibayaa cisbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha iyo laamaha amaanka ee Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Bari.

Si kastaba ha ahaatee qaraxan miino ee lala eegtay ciidamada Booliiska ee ka howlgala gudaha magaalada Boosaaso ayaa kusoo beegmaya xili mudooyinkii ugu dambeeyay ay howlgalo amni ka soconayeen xaafadaha ay ka kooban tahay Boosaaso howlgalkaas oo ciidamadu ay sameynayeen xiliyada dambe ee habeenkii.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.com

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.