Wabiga Shabelle oo fatahaad ka sameeyay deegaano hoostaga gobalka Shabeelaha Hoose

Wararka aan ka heylayno Deegaanka Buulo Axmed Cigow oo ka tirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabelle uu la fatahay deegaankaas isaga oo sababay in qaar kamid ah dadka tuuladaa ay ku barakacaan.

Wabiga oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ku soo kordhayeen biyo ayaa sababay in xalay saqdii dhexeuu ku fataho deegaanka Buulo Axmed Cigow oo dhinaca Galbeed ka saran wabiga Shabelle.

Fatahaada wabiga ayaa geystey gaarsiiyay qasaare beeralayda ku nool tuuladaa iyada oo uu ku fatahay qeybo kamid ah xaafado ay dadku degenaayeen sida dadka deegaanku soo sheegayaan.

Guddoomiyaha tuulada Buulo Axmed Cabdiqaadir Muuse Cumar ayaa ka codsaday maamulka gobolka Shabellaha dhexe iyo dowlad goboleedka Hirshabelle in ay ka caawiyaan sidii loo xiri lahaa buqda ka fatahday deegaankaas.

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaas ka sameeya deegaanada dhaca jiimka wabiga marka la gaaro xiliyada roobka, waxaana dhibaatada ugu badan ka soo gaarta dadka beeralayda ah oo dalagoodu dhibaato ka soo gaartaa biya.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.