Kooxo hubeysan oo xalay wiil dhalinyaro ah ku toogtay Muqdisho

Koox hubeysan ayaa xalay wiil dhalinyaro ah ku dishay Suuqa Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Wiilka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamuud, waxaana uu kamid ahaa dhalinyarada Degmada Kaaraan.

Dad halkaasi ku sugnaa ayaa sheegay in Kooxdii dilka geysatay ay goobta isaga baxsadeen kahor inta aysan tagin Ciidamada Ammaanka Dowladda oo howlgalo ka sameeyay.

Ciidamada ayaa sidoo hakad geliyay gaadiidka iyo dadka suuqa Kaaraan, waxaana Marxuumka loo qaaday Xarunta Dambi baarista oo inta badan la geeyo dadka la dilo iyo kuwa shilalka ku dhinta.

Waa dilkii labaad oo Degmada Kaaraan ka dhaca tan iyo markii ay curatay bisha barakeysan ee Ramadaan, isniintii Bartamihii todobaadkii tagay koox hubeysan ayaa Waaxda Jabuuti ku toogatay askari katirsan Militariga Dowladda, halka mid kale uu dhaawac soo gaaray.

Sidoo kale maalmo kahor Taliska Booliiska Soomaaliyeed waxa uu sheegay in Degmada Kaaraan howlgalo kala duwan oo laga sameeyay lagu soo qabtay dad ka dambeeyay dilka qof kamid ah dadka degmada iyo kuwo ku howlanaa iibinta maandooriyaha.

Ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgalada lagu sugayo amniga Caasimadda, waxaana barbar socda dilal mararka qaar ka dhacaya Muqdisho

 

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.