Wasiirada Amniga iyo Waxbarashada Soomaaliya oo ka dagay magaalada Jowhar

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre iyo Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle.

Ujeedada safarka labada wasiir ayaa lagu sheegay xallinta khilaafka dhinaca Waxbarashada ah ee soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Hirshabeelle.

Arrintan ayaa ka dhalatay markii dowladda Federaalka ah gaar ahaanna Wasiir Cabdullahi uu laalay Imtixaankii dhexe oo muddo saddex maalmood ah socday markii Qishkiisa la helay.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo Ardey careysan kula hadlayay Jowhar ayaa wakiilladii wasaaradda waxbarashada ka eryay magaalada,waxaana uu ku dhawaaqay in Imtixaankooda ay iyaga qaadanayaan.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in qishkaasi loo qabtay qof ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda oo lagu eedeeyay in uu iibsaday Imtixaankii dhexe ee dowladda Soomaaliya.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *