Axmad Madoobe oo cadaadis dhan walba ah ku haya Musharaxiinta la tartameysa

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmad Madoobe ayaa musharaxiinta ka soo horjeeda ee u tartameysa xilka madaxtinimo doorshada sanadkan waxa ay ula dhaqmayaa si baxsan siyaasadda isagoo caga jugleyn iyo hanjabaad joogta ah kuwada, una diiday kulamada bulshada.

Xildhibaan Cabdi ashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxwaynaha Maamulka jubbaland ayaa walaac ka muujiyey habka la doonayo in loo soo xulo Xildhibaanada Cuusb ee Maamulkaas.

Isaga oo kawarbixinayay kulan ay yeesheen gollo ay ku mideysan yihiin qaar kamid ah Musharixiinta madaxtinimada jubbaland ayaa waxa uu sheegay in ay ka digayaan faragalin lagu sameeyo habraaca doorashada .

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in golaha ay soo dhawaynayaan in Odayaasha dhaqanka iyo Salaadiinta  Jubbaland loo madax baneeyo soo xulista Xildhibaanada,hayeeshee saida hadda ay wax u socdaan ay yihiin wixii ay horay uga digeen.

Xildhibaanka ahna musharax Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa waxa uu tilmaamay in golaha ay kasoo horjeedaan  qaabka xulista Xildhibaanada ee hada la wado taas oo ah in  beel kasta ay guddiga doorashooyinka usoo gudbiyaan saddex musharax oo u tartamaya xubinimada Baarlamaanka si midkii ay doonaan ugala baxaan.

Xubno ka tirsan musharixiinta oo dhawaan Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in qorshaha xulista Barlamaanka Jubbaland uu yahay mid uu wato Madaxweyne Axmed Madoobe,isla markaana uu ku doonayo in dib loo doorto.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.  

Nagala soo xiriir Somalitopnews@gmail.com/+252615639926

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.