Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga Batroolka

Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ayaa ansixiyay Sharciga Batroolka.

154 Xildhibaan ayaa fadhiyay golaha, 4 oo ruux oo kali ah ayaa diiday.

Xeerkan oo soo jiitay ayaa door muhiim ah kulahaa ismariwaagii maamul goboleedyada iyo dawladda faderaalka ah.

Maamul goboleeyada ayaana sheegay in dawladdu ay ansixinayso xeerar aan laga tashan.

Ma jiraan war rasmi ah oo wali ka soo baxay maamulgoboleedyada, mana cadda mawqifka ay ka qaadan doonaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa qorshan dadajinaysay si ay durba u xaraashto goobo shidaal la sahminayo ama laga soo saarayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.