Shialalka baabuurta ee ka dhaca inta u dhaxeysa Hargeysa iyo Barbara oo sii kordhay

Wararka ka Imaanaya Magaalada Hargaysa ee Caasimada Maamulka Somaliland ayaa sheegay in maanta halkaasi uu ka dhacay shil Khasaare nololeed iyo hantiyadeed gaystay.

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay 8 kalana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo goor dhawayd ka dhacay Magaalada Dacar-budhuq oo u dhexaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee Somaliland.

Gaarigan shilka galay ayaa ahaa baaburta qaada dadwaynaha ee bas ama caasiga loo yaqaan oo ay lahayd shirkadda Bixin Group oo ka shaqaysa isku socod dadwaynaha deegaanada iyo degmooyinka Maamulka Somaliland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhaawacyada hada la dhigay Isbitaalka Dacar-budhuq ka dibna loo sii qaadi doono Isbitaalka wayn ee Magaalada Caasimada ah ee Hargaysa.

Shilalka ayaa ku badan wada xariirisa Magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera waxaa loo sababeeyaa wadooyinka oo mudo dheer aan dayactir helin iyo wadayaasha gawaarida oo aan la heyn qibrad ku filan isla markaana gawaarida kuwada si xowli saraa.

 

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.  

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.