Farmaajo” Soomaali laguma dhaco ee annaga nagu kalsoonaada”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa xalay kulan waxa uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalooyin ka mid ah dalka Koonfur Afrika.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Johannesburg,Xubnaha wafdiga ee la socda Madaxweynaha,Safiirka Soomaaliya u jooga Koonfur Afrika Jamaal Maxamed barrow iyo wasiirka arrimaha dibadda Axmad Ciise Cawad.

Madaxweyne Farmaajo oo u muuqda inuu jawaab siinayo dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa yiri” Soomaali laguma soo dhaco, hadii ay jiri jireen madax aad ka shaki qabtaan annaga shaki hanaga qabina”. Waxanaa madaxweynaha uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan dowladooda.

Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika uga mahadceliyay midnimada ay muujiyeen iyo sida ay magaca wanaagsan ugu soo jiideen ummadda Soomaaliyeed.

Dhankooda xubno matalayay Jaaliyadda ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday in Madaxda dalkaasi uu kala hadlo dhibaatooyinka mar walba ay u geystaan Madaxda dalkaasi Soomaalida Ganacsi ahaan u jooga.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo geba-gabeeyay safarkiisa,isaga oo saacadaha soo socda kusoo wajahan Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.