Suuqa weyn ee Bakaaraha oo lagu dhex dilay maanta nin Oday ah

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi lagu nin oday ah.

Dilka ayaa sigaara ugu dhacay suuqa Cabdulla shideeyaha ee Magaalada Muqdisho sida goob joogayaal u xaqiijiyeen Mustaqbal Radio.

Warar hor dhaca oo soo baxaya ayaa sheega in laba ruux oo dhalinyaraa kuna hubaysnaa Bastoolada ay ninka odaygaa qaybaha sare jirka uga dhugteen dhowr xabadoob ka dibna ay goobta ka baxsadeen.

Wararka ayaa intaa ku daray in ninka odaygaa ee la dilay uu ka mid ahaa ergadii Xildhibaanada Soomaaliya ka soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dilkaan ayaa noqonay kii 3 aad ee wax ka yar 24 saac Muqdisho ka dhaca xili wadooyinku xiranyihiin waxaana xalay laba dil ka kala dheceen juungal oo Yaaqshiid ah iyo suuq liif oo Dharkinlay ah waxa ayna ahaa yeen argadii Xildhibaanada Soomaaliya ka soo doortay Kismaajo oo Jubbaland ah iyo Jowhar oo Hirshabeele ah.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.