Mareykanka oo hal gobol ku dilay sanadkan 30 dagaalame oo Daacishta Puntland katirsan

Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarada dhinaca Cirka ah ee ay ka geysaneyso deegaanada Puntland, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Shabaab iyo Daacish.

Sida ku cad Warbixino ay soo saareen Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaarada Afrika (AFRICOM), bishan kaliya Droness-ka Mareykanka waxa ay fuliyeen Lix weerar oo ay ku dileen ku dhowaad 30 dagaalame.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in weerarada dhamaantood ay ka dhaceen oo kaliya hal gobol oo Bari ah, waxeyna ka sii dheceen aagga buuraha GOLIS oo ah meelo ay gabaad ka dhigtaan Saraakiisha Shabaab iyo Daacish.

26-kii May, Mareykanka ayaa sheegtay inuu duqeyn ku dilay laba Shabaab ah.

24-kii May, Mareykanka wuxuu sheegtay inuu duqeyn kale ku dilay Saddex Shabaab ah.

22-kii May, Mareykanka wuxuu kaloo shegetay inuu duqeyn ku dilay laba Shabaab ah.

22-kii May, Mareykanka duqeyn kale wuxuu ku dilay laba xubnood Daacish ah.

9-kii May, Mareykanka duqeyn kale wuxuu ku dilay Afar xubnood oo Daacish ah.

8-dii May, Mareykanak duqeyn kale wuxuu ku dilay 13 xubnood oo Daacish ah.

Inkastoo duqeymaha Mareykanka uu dalkan ka wado 10-kii sano ee la soo dhaafay aysan kala joogsi leheyn, ayaa hadana waxaa wali awood halkeeda taagan ah cududa Kooxaha dowladda ka soo horjeeda oo mararka qaar weeraro ka geysta aagga ku teedsan madaxtooyada Soomaaliya.

www.somalitopnews.com

 

Mogadishu-Somalia.

 

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.