Al shabaab oo qarax miino la eegtay ciidan katirsan kuwa AMISOM

Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow qarax xoogan halkaasi uu ka dhacay .

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso,isla markaana waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM,kuwaasi oo marayay wada aada dhinaca laanta Buuru, goob jooge ku sugan Magaada Afgooye ayaa xaqiijiyay in qaraxa la eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM balse aan la ogay khasaaraha ka dhashay maadaama ciidanka AMISOM ay Rasaas fureen ka dib qarax.

Ilaa iyo hada si dhab ah looga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana sii kordhaya Qaraxyada lagu aaso wadada dhineeda.

Qaraxaan ayaa noqonaya kii Sadexaad ee maanta ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM lagu eegto Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose waxaana maanta laba qarax ka dheceen duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.