Axmad Madoobe oo kulan la qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo booqasho ku yimid Magaalada Kismaayo.

Labada Masuul oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyadoo safiirku Madaxweynaha uga mahad celiyay sida Jubbaland ay ugu guulaysatay sugida nabadgalyada Arimaha Siyaasada iyo sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Waxaa kale oo laga wada hadlay arimaha doorashooyinka iyadoo safiirku uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in si wanaagsan ay ku dhacaan doorashooyinka Jubbaland isla markana si xor ah oo xalaal ah wax walba ay ku qabsooman.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.