Ciidan Militery ah oo qarax lagula eegtay duleedka dagmada Balcad

Wararkii ugu dambeeyay duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya,isla markaana qaraxaas uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari uu leeyahay Sarkaal lagu Magacaabo Cali xuubey,kaas oo ka tegay Saldhiga ay ciidamada ku leeyihiin Haansheekh kuna wajahnaa koontorool kale oo ku yaalla halka loo yaqaano Ceelka Geelow oo u dhow deegaanka Qalimow.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaasi uu ku geeriyooday hal Askari halka 2 kale ay ku dhaawacmeen,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in rasaas laga maqlay halka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo wata Gadiidka dagaalka ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ee Tuulada Gololeey,hayeeshee waxaa la sheegay in qarax kale lala eegtay balse uusan u geysan wax khasaaro ah.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.