Dowladda Itoobiya oo Saddex dal u kala qeybisay Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa mar kale gef u weyn u gaystay qarannimada Soomaaliya una kala qeybisey saddex dal oo kala ah Somalia, Somaliland iyo Puntland.

Bogga wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ayaa waxaa ku taxan dalalka ay ku leeyihiin safaaradaha iyo qunsuliyadaha, waxaana yaab leh in Somaliland iyo Puntland loo muujiyey dal ahaan.

Waa dhacdaa in dal uu dhowr magaalo ku kala yeeshoo safiiro iyo qunsuliyado, hase yeeshee halkii ay ka ahayd in Hargeysa iyo Garoowe u dhigaan laba magaalo oo Soomaaliya ka tirsan oo ay qunsuliyado ku leeyihiin, waxay u dhigeen in Hargeysa tahay dalka Somaliland, halka Garowe tahay dalka Puntland.

In arrintan aysan ahayn qalad qoraal oo ay tahay ku talo-gal iyo waxa Itoobiya aaminsan tahay waxaa caddeynaya in dhammaan dalalka kale ee ay ku leeyihiin safaaradaha iyo qunsuliyadaha ay magacaabeen kaliya hal dal iyo dhowr magaalo, sida China, India, Saudi Arabia, Turkey iyo dalal kale. Eeg sawirka hoose.

Soomaaliya waa dalka kale oo ay dhowr magaalo ku leeyihiin qunsuliyado balse ay saddex dal ku kala sheegeen.

Waxaa la sugayaa jawaabta ay arrintan ka bixiso dowladda Soomaaliya.

Booqo linkiga website-ka wasaaradda arrimaha Dibadda

http://www.mfa.gov.et/home/Missions

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.