Wasiir maamul goboleed oo ku hanjabay inuu xilka ka tagi doono, hadii aan la fulin codsigiisa!

Wasiirka Wasaaradda Maalyadda Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdulle Maxamuud oo ku sugan magaalada Baladwayne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in magaalada Baladwayne ay kusoo celinayaan isticmaalka lacagaha shilin soomaaliga oo muddo halkaasi aanan laga isticmaalin.

Waxa uu intaa ku daray Wasiirka in xilka uu isaga taaayo hadii uu lacagaha shilin Soomaaliga isticmaalkooda aan lagu soo celin, waxaana uu tilmaamay dadka kunool maagalada Baladweyne iney dhibaato ku qabaan EVC-Plus-ka.

Waxa uu shegay in ay doonaayaan maamulka Hirshabeelle in ay sideedii hore ay kusoo laabaato nolosha dadka kunool magaaladaasi , maamulkoodana ay lacagaha canshuurta ah ku qaadayaan lacagta Shilin Soomaaliga .

Dadka kunool magaalooyinka Baladweyne iyo Buulobarde ee gobalka Hiiraan ayaanan mudo kudhaw laba sano isticmaalinn lacagta Shilin Soomaaliga ah,balse badalkeeda ayay mudadaasi isticmaalayeen lacagta doolarka iyo Evc-Pluska oo khasaaro iyo maciishad xumi u keentay bulshada.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.