Dagaal xoogan oo Al shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray dagmada Afmadoow

Gobolka Jubbada Hoose wararka laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay degmada Afmadow ee Gobolkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbland oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii  Al-Shabaab ay weerarku qaadeen saldhig Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin degmadaas Afmadow,waxaana goobjoogayayaal ay sheegeen in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,hayeeshee weli aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday hal askari oo  Ciidamada Dowladda katirsanuu,balse dhinaca Al-Shabaab khasaaraha kasoo gaaray aan weli wax faah faahin ah lag bixin.

Wararkii u dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya degmada afmadow  ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyaga oo isku fidiyey deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

 

www.somalitopnewws.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.