Dib u milicso wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u soo magacowday Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa galabta magacaabay Ergeyga cusub ee QM u qaabilsanaan doona Soomaaliya.

James Christopher Swan oo 56 jir, una dhashay Mareykanka ayaa loo magacaabay inuu buuxiyo booskii uu banneeyay danjire Nicholas Haysom, oo 31kii December sannadkii tagat Dowladda Soomaaliya dalka ka ceyrsisay.

Danjire Swan waa danjire hore, wuxuu ka soo shaqeeyay Guddiga Xiriirka Dibedda ee Baarlamaanka Mareykanka.  Sannadkii 2008 – 2001 wuxuu danjirihii Mareykanka u fadhiyay Djibouti.

2011 – 2013 wuxuu Dowladda Mareykanka u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, maadaama uusan jirin danjire rasmi ah oo dowladda Mareykanka u joogay Soomaaliya.

2013 illaa 2016 dhow wuxuu ahaa danjirihii Mareykanka ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Meelaha kale ee uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah Cameroon, Nicaragua iyo Haiti

Maanta oo 30ka May, 2019 waxaa loo magacaabay Ergeyga QM ee Soomaaliya iyo madaxa Xafiiska UNSOM.

James Swan uma baahno inuu waxbadan ka ogaado Soomaalida, waa nin siyaasad ahaan fahansan mucaarad iyo muxaafadba, sidoo kale waa nin ka shaqeeya lugooyada dalka, waxaana lagu xasuustaa khudbad uu London ka jeediyay isagoo sheegay in Soomaalida ay tahay iney isfahmaan marka hore xiligaas oo uu tilmaamay in wax loo qaban karo.

www.somalitopnewws.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.