Taliska Booliska oo soo bandhigay shaqsiyaad isugu jira Shabaab iyo Burcad oo gacanta lagu dhigay

Booliska Soomaaliya, ayaa soo bandhigay tirada dad ay ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen degmooyinka Hodan, Warta-Nabada iyo Wadajir oo ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo dadka gacanta lagu soo dhigay ay gaarayaan 15 ruux.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa xalay Warbaahinta ugu sheegtay magaalad in 2  howlgal oo laga sameeyay degmada Hodan lagu soo qabtay 4 nin oo qaarkood Shabaabnimo ay ku eedeysan yihiin.

Howlgal kale oo ka dhacay Wadajir ayey sheegtay in lagu soo qabtay 5 nin oo loo heysto dil ka dhacay Wadajir, kuwaasoo baaritaano lagu hayo.

Xaafada Sey Piano ee degmada Hodan waxa ay sidoo kale sheegtay in lagu soo qabtay rag dhac u geystay 10 Mooto Bajaaj.

Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa dhinaca kale Shacabka ku dhaqan caasimada ka codsatay iney kala shaqeeyaan laamaha amaanka sidii loo sugi lahaa amaanka degmooyinka gobolka Banaadir.

www.somalitopnewws.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.