Al shabaab oo kordhisay dilalka madax jibiska ah, Afhooye iyo Gaalkacayo oo dilal ay ka dhaceen

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan xalay ay ku dishay sarkaal katirsan Qaramada Midoobe.

Ninka la dilay ayaa ahaa madaxii ammaanka  Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobe ee ka howlgala Deegaanada Galmudug, waxaana la toogtay xili uu kasoo baxay Salaadii Cishaha.

Madaxii ammaanka Hay’adaha Qaramada Midoobe oo la oran jiray Maxamed Cabdi kheere oo ku magac dheeraa (Vimto) ayaa ku sugnaa Koofurta Gaalkacyo oo maamul ahaan hoos tagta Galmudug, waxaana la sheegay iney baxsadeen kooxdii dilka geesatay.

Dhnaka kale Kooxo Bistoolado ku hubeysnaa ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose ku dishay nin lagu magacaabi jiray Qaasim Xaaji oo kamid ahaa dadka degmada isla markaana si weyn looga yaqaano

Xiligii la dilayay waxa uu ku sugnaa Xaafadda Sagaalaad ee Degmada Afgooye, waxaana dilka kadib baxsatay kooxdii ka dambeysay.

Kooxaha dilka geesta ayaa ah ururka Al shabaab oo dowladda waxba ka qaban weyday.

www.somalitopnewws.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.