Al shabaab oo weerar abaabulan ku qaaday ciidan isbaheystay oo saldhigyo ku lahaa gobalka Baay

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro saf balaaran ah waxa ay xalay ku qaaday Saldhigyo Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Baay, kuwaasoo ku kala yaala Bardaale, Qansax Dheere iyo Goof Guduud.

Weerarka ugu culus waxa uu ka dhacay degmada Bardaale, gaar ahaan Garoonka diyaaradaha ee magaalada oo Saldhig u ah Ciidamada Itoobiya, iyadoo la maqlayay hubka noocyadiisa kala duwan oo la isu adeegsanayo iyo qaraxyo.

Wararka ayaa sheegaya in saldhigyada qaar ee la weeraray ay ku sugnaayeen qeyb ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo aan ka midka aheyn AMISOM ee ku sugan deegaanada Gobolka Baay.

Si dhab ah looma oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac, maadaama xiliga la dagaalamayay ay aheyd xilli Habeen saq dhexe ah, ayna adag tahay in warar madax banaan laga helo aagga lagu dagaalamay oo ah aag ciidan.

Weerarka ka dhacay deegaanka Goof Guduud ee duleedka Baydhabo waxaa isagu la sheegay iney ku dhaawacmeen 4 askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Koofur Galbeed, halka dagaalka ka dhacay degmada Qansax Dheere uu ahaa mid koobnaa.

Al-Shabaab ayaa xilliyada bisha Ramadaan waxay kordhiyaan weerarada ay ku qaadaan saldhigyada Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

www.somalitopnewws.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.