Khasaaro kala duwan oo ka dhashay daad ku soo rogmay Qardho

Saddex ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen daadad kusoo rogmay degaano ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland, waxana sidoo kale ay daadkaasi la taageen xoolo badan sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Degaanka Xaaji kheyr ee degmada Qardho Gabadh 17 sano jir ah iyo laba carruur ah ayaa daadkii ka soo rogmaday togaasi ay kula tageen.

Waxaa sidoo kale sidoo kale daadku ay la taageen xoolo iyo Gaadiid sidda ay xaqiijiyeen maamulka degmada Qardho ee Puntland oo ku howlanay gurmadka dadka ay waxyeelado soo gaartay.

Qaar ka mid ah waxgaradka degaanada qaar ayaa sheegay in roobka uu da’aayay Saacaddo badan.

www.somalitopnewws.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.