Maxaa kajira in dowladda Soomaaliya ay cabasho ka gudbisay heshiiska Shiinaha iyo Puntland?

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay warqad lagu dhex arkay Braaha Bulshada taas oo sheegeysay in dowladda Federaalka ah ay Cabasho ka tahay heshiis Maamulka Puntland iyo Ganacsato ka socda Sharikadda CCECC ay ku kala saxiixdeen China.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa boggeeda Baraha Bulshada dhigtay qoraal kooban oo lagu sheegay in warqaddaasi tahay been abuur iyo ka badbadin aan sal lahayn.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay caddeynaysaa in warqadda lifaaqa ah ee lagu baahiyay Warbaahinta Bulshada aanay ka soo bixin Wasaaradda, sidaas awgeed ay tahay been abuur la dhoo-dhoobay”

Warqadda ayaa waxaa ku qoran in loo gudbiyay safaaradda China ee  Muqdisho islamarkaana looga cabanayo heshiiska ay Puntland la gashay CCECC,waxaana ay u dhigantahay sidan.

No photo description available.

www.somalitopnewws.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.