Ra’isul Wasaare Kheyre oo maanta u dhoofay dalka Qatar

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa goor dhaw ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho isagoo ku wajahan magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Ra’isul Wasaaraha ayaa amiirada Qatar kala hadli doono arrimo ku saabsan siyaasadaha isdiidan ee kajira wadamada Khaleejka Carabta xili Soomaaliya loo arko xulufo weyn.

Sidoo kale Kheyre ayaa la kulmi doono amiirada reer Qatar waxaana ay kawada hadli doonaan xiriirka labada dowladood iyadoo Qatar ay Soomaaliya ka taageerto dhinac badan oo Miisaaniyad ah sanadadihii 2018 iyo 2019, balse waxaa la ogeyn waxa keenay safarkan deg dega ah ee Khere ku tagay Qatar.

www.somalitopnewws.com

Mogadishu-Somalia.

somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.