Madaxweynaha Hirshabelle oo magacaabay gudoomiye Dagmo, xili uu joogo wasiirka Arrimaha Gudaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare; ayaa magacaabay Guddoomiyaha Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Magacaabista Guddoomiyaha Warsheekh ee Waare ayaa hadal heyn badan ka dhalisay Dowlad Gobolkeedka Hirshabeelle.

Magacaabidda Maamullada Degmooyinka iyo degaannada Hirshabeelle waxaa inta badan ku dhaqaaqi jiray Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dowladaha hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Dadka ku dhaqan Degaannada Hirshabeelle ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle oo caan ku ah magacaabista maamullada kala duwan ee Gobolka Hiiraan uu waxbadan ka meer meeray magacaabista Maamulka Warsheekh iyo guud ahaan Shabeellaha dhexe.

Odayaasha Warsheekh iyo dadka degaanka ayaa dhowr jeer oo hore ku baaqay in Wasiirku isbeddel ku sameeyo Maamulka Degmada hayeeshee ma aysan dhicin,waxaana ugu dambeyn tallaabadii qaaday madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Guddoomiyaha Warsheekh.

Wareegtada Waare ayaa lagu magacaabay Axmed Xuseen Axmed in uu noqdo Guddoomiyaha Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

No photo description available.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.