Magaalada Boosaaso oo ka’ goday Puntland inteeda kale

Roobab xoogan oo ka da’ay deegaano kala duwan oo ka tirsan Puntland ayaa sababay inay xiranto wadada isku xirta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari iyo deegaanada kale ee Puntland.

Roobabka ayaa jaray laamiga weyn ee xiriiriya magaalada Garowe iyo magaalada Boosaaso, waxaana go’don noqonaya deegaanada kale ee dhanka waqooyi Bari kaga beegan magaalada Garowe.

Masuuliyiinta Puntland ayaa ku dhawaaqay guddi loo qorsheeyay inay ka shaqeeyaan samata bixinta dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada xiriiriya Puntland.

Roobab xoogan oo ka da’ay deegaanada Puntland ayaa sababay inay ka dhashaan daadad xoogan oo jaray buuntada weyn ee Midigar, sidoo kale waxaa go’ay bartamaha laamiga xiriiriya magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe.

Qaar ka mid ah Darawalada Gaadiidka ka Shaqeeya Magalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland ayaa waxa ay sheegeen inay xilligaan qabaan dhibaatyin ku aadan inay Shaqadooda istaagto.

Waxaa xiligan oo kale sidoo kale sare u kac laga dareemayaa qiimaha raashiinka, maadaama ay adag tahay in qeybaha kala duwan ee Bagaashka isaga kala gudbaan deegaanada Puntland.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.