Ra’isul Wasaare Kheyre oo dowladda Qatar ka raadinaya fulinta mashaariic ay balan qaaday

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo shalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimada  dalka Qatar ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar ayaa ka  wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka aha ee labada dal iyo labada shacab iyo mashaariicda horumarineed ee Qatar ay Soomaaliya ka wado.

Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa la sheegay inuu salka ku hayo fulinta mashaariic kala duwan oo dowladda Qatar u balan qaaday Soomaaliya, waxaana kamid ah dhismaha xarumo dowladeed iyo wadooyin waa weyn.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir qota dheer oo soo jireen ah.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.