Somaliland iyo Puntland oo isku diyaarinaya isdhaafsi maxaabiis ay dagaal ku kala qabsadeen

Xili dhawaan madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyay maxaabiis Puntland looga qabtay dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq, ayaa waxaa la shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee labada dhinac is dhaafsanayaan maxaabiista.

Maalinta Beri ah oo ay ku beegan tahay Isniin ayaa la shaaciyay in labada dhinac ay is dhaafsan doonaan ku dhawaad 20 maxaabiis ah oo ay ku kala qabsadeen dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq.

Puntland ayaa dhankeeda sheegtay inay qabatay ku dhawaad 15 maxbuus, kuwaasi oo badankood lasii daayay markii ay noqdeen kuwo deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag.

Somaliland ayaa dhankeeda shaacisay inay qabatay ku dhawaad 14 maxbuus, kuwaasi oo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyay, iyadoo la sii deyn doono maalinta beri ah.

Saddexda Maxaabiis ee ku jira gacanta Puntland ayaa la sheegay in midkood uu yahay sarkaal ka tirsan Milatariga Maamulka Somaliland halka labada kale ay Askaryihiin.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa 8-dii Feb 2018-kii waxaa ay ku dagaallameen Tukaraq, halkaas oo Somaliland ay dagaal kula wareegtay ilaa maantana ka taliso.

Waxaa muuqata in hadda xaalada deegaanadaasi ay wanaagsan tahay, waxaana maalmihii ugu dambeeyay jirtay cabsi dadka deegaanka soo wajahay, kadib markii dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemay deegaanada Sool iyo Sanaag.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.