Kenya oo digniin ka soo saartay kalluumeysiga xeebaha Soomaaliya

 Dowladda Kenya ayaa  amar ku soo rogtay Kalluumeysatadeeda ka jallaabta meel ku dhow xeebaha Soomaaliya.

Kalluumeysatada ayaa la faray in aysan ku dhawaan biyaha Soomaaliya, sidoo kalena aysan tagin degaannada ku dhow sohdinta Soomaaliya ee dhinaca badda.

Joseph Kanyiri, oo ah Guddoomiyaha Gobolka Lamu ayaa sheegay in kalluumeysatada ay gaari jireen ilaa Xeebta Raas Kambooni ee Soomaaliya haddase ay adag tahay in halkaas la tago.

Waxa uu intaas ku daray in Ciidamada kala duwan ee Kenya ay ilaalo gaar ah ku hayaan dhaq dhaqaaqa Xeebaha Kenya ee u dhow Soomaaliya halkaas oo uu sheegay in Ganacsi u badan Kontraban laga geliyo Kenya sidoo kalena dadka lagu kala gudbiyo.

Mr Kanyiri, ayaa dhinaca kale Kalluumeysatada Kenyaanka ah ka qaaday xayiraaddii dhinaca kalluumeysiha ee Habeenkii ahayd,waxaana uu sheegay in ay kaliya ka kalluumeysan karaan Bariga Lamu.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.