Sacuudiga oo si rasmi ah ugu dhawaaqday in berri Ciidul Fitri kow tahay

Dowladda Sacuudiga ayaa daqiiqado ka hor si rasmi ah ugu dhawaaqday in Maalinta Berri ah ay tahay Kowda Bisha Shawaal.

Wasiirka Awqaafta Iyo Arrimaha diinta Sacuudiga Sultan Bin Saeed Al Badi ayaa sheegay in Maanta ay tahay Maalintii ugu dambeysay Bisha Ramadan Berrina ah tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Shawaal.

Go,aankaan oo kasoo maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ayaa yimid kadib markii guddiga ay Dowladda u xil saartay raadinta Bisha Shawaal ay soo sheegeyn inay Bisha arkeyn.

Waxaa jiro wadamo kale oo Islaam ah oo loo dhawaaqay in Ciidda ay tahay Maalinta Arbacada ah waxaana wadamadaas hormuud u ah Malaysia iyo Indonosia, waxaana muuqato in dowladaha Islaamka ay isku khilaafeen dhalashada Bisha Shawaal.

Illaa hadda go,aan kama soo bixin dowladda Soomaaliya inkastoo la aaminsan yahay in go,aanka Dowladda uu ku xiran yahay kan Sacuudiga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ay saacadaha soo socdo ku dhawaaqi doonto in Berri ay tahay Ciid inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.  

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.