Shirkado caalami ah oo ka qeyb galaya shir looga hadlayo shidaalka Soomaaliya

Wasaaradda Batroolka iyo kheyraadka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay qabaneyso labo shir oo muhiim ah loogana hadlayo shidaalka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud C/Qaadir Hilaal ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in shirarkaasi midkood uu ka dhacayo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Waxa uu sheegay in shirka shidaalka ee Istanbuul ay ka qeybgeli doonaan sharikado laga leeyahay Qaaradda Aasiya,kuwaas oo daneynaya shidaalka Soomaaliya.

Shirka 2aad ayuu sheegay in uu ka dhacayo Magaalada Bouston ee dalka Mareykanka,kaas oo isna ay ka qeybgeli doonaan sharikado laga leeyahay dalka Mareykanka.

Wasiir Hiraal ma sheegin muddada laqabanayo labada shir ee la xiriira shidaalka Soomaaliya,waxaana uu ku gaabsaday in ay isku xigi doonaan.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.