Askari katirsan ciidanka dowladda oo gabar da’yar ku dilay magaalada Jowhar

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaasi askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu ku dilay gabar yar.

Gabadha ayaa qoyskeeda waxay geeyeen magaalada Jowhar, si ay halkaasi ugu soo ciideysato, balse waxaa maanta lagu dilay suuqa Jaadka lagu iibiyo ee magaalada Jowhar.

Askariga ayaa xabad ku dhuftay Gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay Sideed Sanno jir,ayaa markii dambe la sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen.

Wararka ayaa sheegaya in Gabadhaas waqti yar kaliya ay ku sugneyd Magalada Jowhar kana tagtay Muqdisho si halkaasi ugu ciideysato.

Dilka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hir-Shabelle ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo Saldhiga Jowhar dhigay askariga dilka geystay.

 

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.  

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.