Dagaal beeleed ka qarxay dagmada Wanlla-weyn oo sababay khasaaro kala duwan

Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal saaka ka dhacay Degmada Wanllaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalkan oo dhexmaray malleeshiyo beeleed wada dega Wanllaweyn ayaa waxaa uu ka dhashay markii dhinac ka mid ah uu dilay labo Nin oo lagu eedeeyay in ay dhac ka geysanayeen inta u dhaxeysa Wanllaweyn iyo Ceelka Kabaherag ee Gobolkaas.

Dilkaas ayaa dhacay dhowr maalmood ka hor,waxaana dhinac wax dilay qoryihii u geeyeen dhinacii kale iyaga oo u sheegay in ragga hubkaas lahaa dhac geysanayeen.

Dhinacii dilka loo geystay ayaa saaka weerar ku qaaday Isbaaro dhinaca kale u taallay meel ku dhow Wanllaweyn halkaas oo uu ka dhashay khasaare nafeed.

Bishii April ee la soo dhaafay ayaa labadan Malleeshiyo beeleed lagu heshiisiiyay Degmada Wanllaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose markii ay ku baxeen XIldhibaanada labada aqal ee ka soo jeeda Shabeellaha hoose.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *