Dagaalka dowladda iyo Al shabaab oo weji cusub yeelanaya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka, Xasan Cali Khayre, ayaa Xerada Tababarka Gen. Gordan Ku booqday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo ay argagaxisada uga xoraynayaan deegaannada ay uga dhuumaalaysanayaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka ugu tegay in ku dhiiri geliyo shaqada ay qaranka u hayaan ayaa u sheegay in weerarada ay noqon doonaan kuwo saf balaaran ah, waxaana uu u sheegay in dagaalka uusan joogsan doonin ilaa guulo waa weyn la gaaro.

Ciidanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay xuquuqdooda si joogta ah u heli doonaan, dowladduna ay si gaar ah xil isaga saartay, baahida qalab ee ay qabaanna loo dhammaystirayo si  dalka iyo diinta ay cadawga uga difaacaan.

Dowladda Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah, arrintaas oo qayb wayn ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay ula wareegayaan mas’uuliyadda dalka.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.