Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo Muqdisho ku yeeshay kulan arrimo badan looga hadlay

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya lagu qabtay shirlooga hadlaay Arimaha Doorashooyinka, Qorshaha Hormarinta dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukumada Faderaalka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleeda Khadar ayaa shir Gudoominaayay shirkaan oo diirada lagu saaray Arimaha doorashooyinka, qorsha dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

”Waxa aan maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagaga hadlay Arimaha doorashooyinka, qorsha dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa  waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka madaxa banaan ee dalka Marwo Xalimo Ismaaciil Xaliimo Yaray, Wasiiro, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,wakiilo ka socday Beesha Caalamka iyo Musuuliyiin kale.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ku howlantahay qorshaha hormarinta qaranka Sagaalaad waxaana maanta shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.