Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo digniin u diray ciidamadii baneeyay Af-Urur

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa shalay booqday Af-urur, halkaasi oo Labo Maalmood ka hor ay ciidamada Puntland ay dib ula wareegeen ka dib markii muddo kooban ay haysteen Kooxda Alshabaab.

Safarka madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ujeedkiisu ahaa u kuurgal xaaladda deegaanka iyo ciidamada, waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey Wasiirka amniga Puntland , Wasiirka xanaanada xoolaha iyo guddoomiyaha gobolka bari

Weftigiisa ayaa markii ay gaareen Af-urur waxaa soo dhawaynayay odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Madaxweyne Ku-xigeenka wuxuu kulan gaar ah la qaatay dadka deegaanka, waxaana ciidamada uu kula dardaarmay iney ku dhintaan fariisimahooda oo aysan ka soo bixi karin amar la’aan, waxaana dadka deegaanka  uga warbixiyeen baahiyaha degaanka ee u baahan wax ka qabashada, iyagoo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashadiisa.

Dhamaadkii bishii hore ee May ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland waxa soo baneeyay ee saldhiyadii ay ku lahaayeen degaanka Af-urur, halkaasi oo qabsadeen kooxda Alshabaab. Ciidamada ayaa dalbanayay in la siiyo musharaad ka maqnaa.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.