Aadan Ducaale oo Soomaaliya ugu baaqay iney ka tanaasusho dacwadda Badda ee Kenya kala dhaxeysa!

Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya in ay dib u eegis ku sameeyaan xiisadda diblomaasiyadeed ee hadda dhex taalla laada dal.

Adam, oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu ka weynyahay biyo yar oo la isku qabsado isagoo ujeedkiisa uu yahay sidii Soomaaliya biyaheeda u siin laheyd Kenya.

Hogaamiyahan ayaa xusay inuu ka walaacsanyahay muranka la geliyay Badda Kenya, waxaana uu Uhuu Kenyatta ugu baaqay inuu sii wado cadaadiska uu ku hayo Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale soo jeediyay in muranka dhinaca Badda ee labada dal ay iyaga kaliya xalliyaan islamarkaana uusan soo faragelin dal saddexaad.

Aadan Ducaale ayaa lagu xasuustaa inuu Bishii May dhamaadkeedii dhahay ” Anigu Soomaali ayaan ahay laakiin ma ogoli in Badda Kenya taako kamid ah muran la geliyo oo Soomaaliya ay qaadato”

Hadalka dambe ee Adam Barre Ducaale ayaa laga dheehan karaa sida uusan ugu qanacsaneyn dhaq dhaqaaqa dowladda Norway ay ka dhexwaddo Soomaaliya iyo Kenya maaddaama ay iyada tahay dalka gadaal ka riixaya in shirkadahiisa ay shidaal ka soo saaraan badda la isku heysto.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.