Dowladda Soomaaliya maxaa ugu qorsheysan cudurka Ebola oo si xowli ah ku faafaya?

Dalka Uganda Cudurka Ebola ayaa ka dilaacay kiisas hor leh ayaa laga helay magaalooyin dhowr ah ilaa Lix qof ayaa u dhimatay, Kenya oo xuduud la wadaagto Uganda waxey sheegtay inay hubin doonto caafimaadka dadka soo galo si cudurka halista ah ee Ebola uga hortagto.

Soomaali badan ayaa dano kala duwan ugu nool wadama Uganda iyo Kenya sidoo kale ciidamada Uganda ee AMISOM katirsan ayaa Soomaaliya ka howlgala, Isbuuc walba waxaa garoomada diyaaradaha ee dalka ka soo dago diyaarado yaryar oo wada Saraakiil, shaqaale iyo askar Ugaandhees ah si fudud ayeyna cudurka u soo gelin karaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ee Farmaajo hogaamiyo wax talaab ah oo looga hortagi karo cudurkan ma soo saarin oo daqiiq walba u soo gudbi karo dalka iyadoo ayasn jirin qalab iyo howl wadeeno caafimaad oo lagula tacaalo.

Wasaaradda Caafimaadka waxaa gacanta ku heysa wasiirad Fowsiyo Abiikar Nuur oo aan shaqo ku laheyn howlaha caafimaadka mana heystao qabiiro iyo shaqaale caafimaad oo aqoon leh, waa wasaaradda ugu xun ee xukuumadda Soomaaliya ee hadda jirta, shaqaalaha ayaa laga keenay Baadiyo iyo Yurub mana lagu soo xulan wax aqoon ah.

Tallaabada ugu wanaagsan ee dowladda qaadi karto ayaa ah iney joojiso isu socodka Soomaaliya iyo Uganda waa hadii dowlad umadeeda ka fikireyso ay jirto.

By: Abdiaziz loyal +252615639926

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.