Soomaaliya oo si gaar ah u xoojineysa xiriirka Norway iyo General Koofi oo Oslo ku sugan

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Col. Maxamed Aadam Jimcaale (Koofi) oo ay wehlinayaan ku xigeenka Agaasimaha guud, Cabdullahi Xaaji Bashiir, la taliyaha sare iyo Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaatey hay’adda socdaalka Dalka Norway.

Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa oo ka qeyb galay kulamo Sanadle ah oo ay yeeshaan hay’adaha socdaalka ee Labada Dal, ayaa waxa uu la qaatay madax sare oo ka tirsan Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha dibedda Norway iyo sidoo kale saraakiisha Booliska Dalkaasi.

Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Labada Dal ee dhinaca Socdaalka, waxanay intaa ka dib Agaasimaha Guud iyo wefdigiisa booqdeen Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Oslo, waxayna u kuurgaleen hab-maamulka socdaalka Garoonka.

Horaantii Todobaadkan ayey aheyd markii Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway ay timid Muqdisho kulan ku saabsan kheyraadka Soomaaliyana ay la yeelatay Ra’isul Wasaare Kheyre.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.