Cabdi Xaashi: “khilaafka Labada Aqal caawa ayaa la soo afjarayaa”

Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeyay labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya la soo afjarayo.

Guddoomiyaha oo maanta ka hadlayay kulanka aqalka sare ayaa sheegay in isaga iyo Guddoonka Golaha shacabka ay is arkeen islamarkaana kulanka ugu dambeeya caawa la qabananayo.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in hal aqal uusan diyaarin karin sharciga dalka islamarkaana dastuuri tahay in labada aqal wada shaqeeyaan.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ay la kulmayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo khilaafkana la soo gaba gabeeynayo.

Dhinaca kale Cabdi Xaashi ayaa sheegay in awoodaha aqalka sare aysan qeexneyn,waxaana uu guddiga Dastuurka ka dalbaday in ay caddeeyaan awoodda Golaha aqalka sare ee dalka.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.