Maamulka Galmudug oo sheegay in la qabtay dableydii dishay dadka Shacabka

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo xalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Galmudug ay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay dilka 4-ruux oo lagu dilay duleedka Dhuusamareeb.

Waxa uu sheegay in falka ay ku kaceen uusan wanaagsaneen, una bandhigayaan shareecada Islaamka, si looga gudo dambiga ay galeen.

Shiikh Shaakir ayaa sheegay in Maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada Ammaanka Galmudug ay wadeen howlgalo ay ku raadinayaan dadkaan oo dil u geystay afar ruux oo la sheegay in ay shinni ku ilaalinayeen deegaanka Bulucle ee Gobolka Galgaduud.

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa Dhanka kale tilmaamay in Magaalada Gaalkacyo uu ka socdo Howlgalo lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay dil wadareed loo geystay 9-qof oo xoogsato ah.

Waxa uu sheegay in qaar kamid ah lasoo qabtay, inkasta oo uusan shaacin tirade dadka la hayo iyo kuwa ay raadinayaan.

Falalka is xigxigay ee lagu bartilmaameedsaday Dadka shacabka ahaa ee ka kala dhacay Bulacle iyo Gaalkacyo waxa uu ku tilmaamay in lagu magic dilayo Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa howlgalo ka wada Magaalada Gaalkacyo, waxaana madaxda iyo Saraakiisha ammaanka ay sheegeen in ay ku baadi-goobayaan dadkii ka dambeeyay dil wadareed loo geystay 9-ruux oo hal goob lagu dilay

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.