Kabtan katirsan ciidamada Uganda oo Muqdisho isku dilay

  • Sarkaal ka Tirsanaa Cidamadda AMISOM gaar ahaan kuwa Dowladda Uganda ayaa isku Dilay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wargeyska The Observer ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray in Kabtan ka tirsan Ciidanka Difaaca Uganda ee UPDF is-dilay, kadib, markii uu toogtay saaxiibkiisa.

Dhanka kale Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Richard Karemire oo la hadlay  Wargeyska The Observer waxa uu xaqiijiyey dhacdadaasi, balse waa uu ka gaabsaday faahfaahin dheeraad ah iyo magaca Sarkaalka in uu sheego.

Dhacdaan ayaa imaanaysa kadib markii dhowr askari oo Ugandhese ah ay isku dileen Xarunta Xalane Magaaladda Muqdisho bishii la soo dhafaay ee May 13-dii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.