Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha oo isku heysta cida u tartameysa doorashada 2020

Waxaa isasoo taraya wararka la xiriira xibosga Nabad iyo Nolol oo dhawaan lagu dhawaaqi doono kaa oo ay ku mideysan yihiin madaxda dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Madaxweyne Farmaajo oo aamisan inuu la yimid wax qabad muuqda ayaa doonaya inuu xisbiga Nabad iyo Nolol u tartmao isagoo aaminsan inuu heli doono codka kalsoonida shacabka ama Xildhibaanada sida ay u dhacdo doorashada.

Dhankiisa Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in beeshiisa ay ku qasbyeso inuu isku soo taago xilka madaxtinimo ee dalka waxaana madaxweynaha uu ka codsaday inuu uga haro tartanka kursiga madaxtinimo ee dalka sanadkan soo socda ee 2020.

Ilo la soo xiriiray Somalitopnews ayaa sheegaya in kala qeybsaneyn weyn ay ka dhex taagantahay Villa Soomaaliya iyadoo labada mas’uulba ay u diyaar garoobayaan doorashada soo socota,waxaana wararku intaa ku darayaan in Kheyre uusan dhag jalaq u siin codsiga Farmaajo.

Labada Mas’uul ayaa aad u daneeynaya kursiga madaxtinimo iyadoo hadda waqtigoodu uu dhamaanayo waxqabadkooduna aan la mahin.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.    

Somalitopnews@gmail

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.