Kenya oo wada olole xoog leh oo Soomaaliya ay kaga guuleysaneyso muranka Badda

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa booqasho ku tagtay Dalka Jabuuti waxaana ay kulan la qaadatay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Juma ayaa qoraal ay ku daabacday booggeeda Twitter-ka waxaa ay ku sheegtay in ay ku farsaxsan tahay la kulanka Madaxweynaha Jabuuti.

Waxaa kale oo ay sheegtay in ay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u geysay warqad aysan sheegin waxa ku qoran oo ay ka wadday Madaxweynaha dalkeeda Uhuru Kenyatta.

Kenya ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya ku eedeysay in ay abuureyso isbaheysi geeska ahm,waxaana ay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kulan la qaatay Madaxweynayaasha Tanzania iyo Eritrea iyo Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya.

Waxaa ay ku howllantahay Dowladda Kenya sidii muran badeedka kala dhaxeeya Soomaaliya loogu xallin lahaa meel aan ahayn Maxkamadda ICJ ee Caalamiga ah.

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in biyaha ay hadda ku heysato Soomaaliya haddii loo xukumo Soomaaliya ay is qaban doonaan Kenya iyo Tanzania, Tanzania, Mozambique, Mozambique iyo Koofur Afrika.

Walaaca ugu weyn ee Kenya heysta ayaa ah in haddii dacwadda ay ku guuleysato Soomaaliya aysan Kenya heli doonin meel ay Maraakiibta u maraan dekadda Mombasa kuna qasbanaan doonto in ay fasax weydiisato Soomaaliya iyo Tanzaniya.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.