Sheekh Cali Wajiis oo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay iney caqabad ku tahay Xajka Sanadkan

Sheekh Cali Wajiis oo xubin ka ah Guddiga Xajka ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay caqabad ku tahay in sanadkan Soomaalida Xajka aadaan.

Qoraal uu ku daabacay Boggiisa Facebook ayuu ku tiriyay caqabadaha faraha badan ee uu Guddiga la kulmayo oo ay ka mid tahay faragelinta wasaaradda.

Waxaa uu muddo 24 saac ah u qabtay Xukuumadda gaar ahaanna Wasaaradda Diinta oo uu sheegay in haddii aysan go’aan rasmi ah soo saarin uu isaga baxayo Guddiga.

Fariinta Sheekh Cali Wajees:

Asc waxaan maanta anigoo aad uga xuna kana murugeysan aan madaxda qaranka iyo umada soomaaliyeed u cadeynayaa in xajkii islaamka ee soomaalidu maanta khatar ugu jiro inow baaqdo sababaha soo socda

1– In wasaaraddii owqaafta iyo diinta oo la rabay iney fududeyso ay caqad ku tahay gudigiina shaqadii ka widi la,yahay

2–In Shirkadihii tartamay ee guuleestay ay ka hor taagantahay wasaaraddu iney howshoodii si toosa u guda gslaan iyagoo weliba ka qaatay lacag ku dhaw 1200.000 rahana uga dhigay 555000

3– In Ay xajkii af duubeen oo ka dhigeen xaj bicsah iyagoo diidan shirkadaha iney kaalintooda qaataan iyagoo acconka wasaaradda ee jiddah doonaaya in $20.000 000 malyan ee soomaalidu ku xajineyso lagu shubo iyagoo ay ka saari karaan lacagtaas oo qura shaqaalaha wasaaradda iyo qunsuliyadda taasoo khilaafsan nadaamkii saxda ahaay 3 biloodna laga shaqeynaayay oo ahaay in shirkadihii guuleestay howlohooda loo daayo loona qoro kartul munadam shirkdeed oo bicsada ka madax banaan lacagohoodana loo madaxbaneeyo iyo shaqooyinkooda bicsaduna u fududeyso wixii dhanka dowladda sucuudiga ku saabsan.

Haddaba iyadoo faragelintaas owgeed dibu dhac weyn wasaaraddu sameysay howlihii shirkadahana faraha kula jirto waxaan ugu baaqayaa madaxda sare ee dowladdu iney xajka aan la siyaasadeyn una sheegto wasaaradda iyagu ay dhiseen in xajkaas aan jidkiisa laga leexin.

Aniga iyo gudiga howlaha xajka ee dhiman waa ay noo muuqdaan sida loosoo gebagebeyn karo uguna habboon lkn wasaaraddii ayaa shaqadii caqabad ku ah.

haddaan 24 saac madaxdu caqabadaha ku hor gudban xajka ka qaadin waxaan uga bexeynaa wasaaradda iyadaana maanta wixii ka danbeeya ka masuula arintaas.

Faahfaahin gaar ah:

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxaa ay sheegtay in Xajka ay ku guuleysteen 58 Sharikadood, waxaa la dhahaa (Xamlah), marka laga reebo shan sharikadood inta kale malaha wax waaya aragino Xajka ah waligoodna uma adeegin Xujeyda Soomaaliyeed.

Shantaas sharikadood saddex ka mid ah hal mar ayey u adeegeen Xujeyda, waxaa ay kala yihiin;

Daalo Airlines; waaya aragnimo 20 Sano oo adeegga Xajka ah.

Jubba Airways; waaya aragnimo 20 Sano oo adeegga Xajka ah.

Freedom Airlimes; hal Sano.

African Airways; hal sano.

Ocean Airlines; hal sano.

53da Sharikadood ee kale wax aragti ah kama heystaan Xajka, kamana adeegin waligood balse waxaa ay ka mid ahaan jireen sharikadaha Jubba iyo Daalo.

Waxaa jira tuhun ah in sharikadahan ay dhabarka ka taagan yihiin xildhibaanno iyo Siyaasiyiin awood ku leh dowladda Soomaaliya.

Waxaa laga baqayaa in qiimaha Xajka kordho, hadda waxaa uu marayaa $3,600, waxaana laga yaabaa in uu gaaro  ku dhawaad $4,000.

 

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.