Wakiilka Q.M James Swon oo ku cadaadinaya Soomaaliya iney wadahadal kala gasho Kenya muran badeedka

Wakiilka dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya ee Qaramada Midoobay James Swon ayaa magaalada Washigton ee dalka Mareykanka kula kulmay wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cusmaan Baale.

Qaramada Midoobay oo garab siineysa Dowladda Kenya ayaa Soomaaliya u sheegtay in nabadda gobalka ay ku jirto iney Soomaaliya ka tanaasusho muranka gardarrada ah ee Kenya kuwado Soomaaliya.

James Swon oo wali aan ka shaqo bilaabin xafiiskeeda Soomaaliya ee UNSOM ayaa shaqadiisa koobaad ka dhigtay xalinta dacwadda Soomaaliya iyo Kenya u taala maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

War shaalay  ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sidoo kale in kalafadhiga guud ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay lagu daray Ajande ah ka doodista muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda hadda jirta ee Soomaaliya oo ay hogaaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre hadii ay dadaalkooda ku bixiyaan sidii ay Soomaaliya xaqeeda u soo dhicin laheyd waxaa hubaal ah in iyaga dib loo dooran doono doorashada 2020, madaama ay ka soo gudbeen wadooyin adag.

Kenya ayaa dooneysaa in dalalka gobolka ee xiriirka ka dhexeeyo inay soo dhexgalaan xallinta muranka sii loo afjaro ismari waaga diblumaasiyadeed.

Soomaaliya ayaa u muuqtaa mid ka aamusan khilaafka , waxay ka dhuursugaysaa go’aanka kasoo bixi doono maxkamadda Caddaallada Adduunka ee ICJ.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-tii ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya.

Dacwadaasi ayaa haatan hortaalla maxkamadda ICJ, waxaana garsoorayaasha ay oggolaadeen in maxkamaddu ay dhageysan karto dacwadda la xiriirta arrintan, inkastoo Kenya ay marwalba dooneysay in arrintan lagu dhameeyo qaab is-fahan ah oo bannaanka ka ah maxkamadda.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.