Wasiirrada arrimaha dibadda IGAD oo kulan ku yeeshay Addis Ababa

Magaalada Addis Ababa waxaa kulan ku yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibbada wadamada ku jira urur goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxaa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Sudan.

Waxaa dhawaan dalka Sudan booqasho ku tegey ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed isagoo waanwaan ka dhex bilaabay dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasada dalka.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.