Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo sheegay in Xasaanadda laga qaadayo Xildhibaanada iska maqan

Gudoonka Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu baaqday kulankii maanta ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kaddib markiii uu buuxsami waayay kooramkii loogu tagalay inuu ku furmo kulanka xildhibaannada baarlamaanka.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in Xildhibaanada maqan dhamaantood loo gudbinayo Guddiga Anshaxa iyo Xasaanadda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa soo wajahay Fashil maalmihii ugu dambeeyay ka dib markii uu dhowr jeer baaqday kulanka Golaha shacabka oo xildhibaanada aysan soo xaadirin.

Kulankii ugu dambeeyay ayaa la yeeriyay xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka oo la sheegay in ay Fasax la’aan dalka uga maqan yihiin.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.