Ciidan abaabulan oo Al shabaab kala wareegay deegaano cusub

Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed oo ay wehlinayeen Ciidamo ka tirsan Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano dhaca waqooyiga gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen  inay kula wareegeen deegaanada Araare, Balad-Raxma iyo Kobon oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdnuur Ibraahim Xuseen oo howlgalka qayb ka ahaa ayaa sheegay in 8 katirsan  Al-Shabaab lagu dilay iska hor imaad ka dhacay deegaanka Kobon.

Dhinaca kale intii uu howlgalka socday ayaa waxaa qaraxday miino wadada dhinaceeda lagu aasay, iyada oo laba askari ay ku dhaawacmeen,waxana saraakiisha Ciidamada Jubbaland ay sheegeen in howlgalka sidii loogu talo galay uu u dhacay.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.