1da Luulyo ‘Mataanayntii Maandeeq’ iyo Hanashadii Himilada

Noloshu waa ilbiriqsiyo isku beddela daqiiqado, daqiiqado isu beddelo saacado, saacado isu beddelo maalmo, maalmo isu beddelo isbuucyo, isbuucyo isu beddelo bilo, bilo isu beddelo sanado iyo sanado . Sidaas ay tahay haddana aadanuhu waa sinji wareegayo oo maalinba wax u cusub yihiin. Yeelkeed e, Alla weyne ayaa qadaray in oog cusuba uu wax lagu farxo ama wax laga noxo soo kordhiyo.

Bani’aadanka inta adduunyada ku nool waa qowmiyado kala gadisan, annagusa waxa aan dhacnaa Afrika cirifkeeda bari oo Eeba weyne barriimo/deegaan barwaaqeysan inaga siiyay. Ayadoo xaalku sidaas yahay waxaa fara badan dulmiga aadanuhu isku duleystee, qolaba maalinta laga muruq-roon yahay waa la gumeystaa ayadoo inta badan noolaha dunidu xaalkaas soo wada maray qolaba si ha usoo maree.

Ummadaha afrikada bari ee lagu naaneyso kushutiga bari (east Cushitic), qowmiyadeeda Soomaalida, waxaa Eeba weyne u gaar yeelay arrima dowra oo aan la siin ama lagu yareeyay inta badan reer weynaha kuush ama ummadaha afrikada bari, aan ekaan wadaagga nahay sida (Itoobiyaanka, Eriteriyaanka iyo Suudaanta) ama aan oodwadaagta nahay sida (Kiinya, Suudaanta koofureed iyo Ugaandha). Galladahaas Alla inoo gaar yeelay waxaa ka mida:-

1-Islaanimo2-Dhaqan wanaagsan  3-Dun-wanaagsan,4-Dhul isu dheelitiran           5-Bad weyn iyo     6-Dal aan Illaah inoo cabirin oo nagaba weyn.

Intaas iyo ina kaleba ma wada heystaan ummadahaas, sikastey ahaataba waxaa mahadaas leh Eeba weyne.

Bulsha kastaa ayadoo sidii uu Rabigood u boqray u yaal ayey leeyihiin maalmo gaar ugu asteysan, maalmahaas waxaa lagu dhigay Farxad iyo Muruga midood. Hase ahaatee maanta waxa aan si dhug iyo dhaba-gal leh uga hadli doonnaa maalinta qiimaha badan ee luulya kowdeeda.

1-luuyo (First July) “waabaa baryay bilicsan”

Bulshada Soomaaliyeed waxa ay leedahay maalmo dhowr ah oo ku dhigan qalbiyada iyo boggaga qiimaha gaara uga fadhiya, sidaas darteed waxaa ummduhu si gaara u tixgaliyaan maalmaha lagu calaamadiyay dhiigga hal-doora fara badan oo maalmahaas dartood god ugu jiro. Si aan u garano, maxay tahay sababta 1-luulyo qiimaha intaa ula eg u yeelatay? Aan dib u eegno sooyaalka taariikheedka Soomaalida:

Soomaalida bulshada lagu magacaabaahi waxa ay dunida dusheeda ku suntaneed waqti aan la aan cilmi-yahanka dhigaalka taariikhda ku xeel-dheeri aysan wali isku wada raacin, laakiin waa waayo aan marka ay isu tageen culumada lagu magacaabo “bahweynta maskaxda iyo maan-baarku” ay ku sheegeen waqti kumanaan Sanaa.

Sidaa darteed waxa ay soo martay waqtiya adag sidi ummadaha kaleba, waqtiyadaas oo aan ka xusi karno, dagaalo, xukuno iyo barakicinba isugu siyo. Annagoo eegeyna waqtiyadaas kala duwan iyo lugta ay ku lahaan karto maalintaan Luulya ay kowda aheyd bal aan nasiyo dhowr tuduc oo soo koobayo waaya dheer:

Waa maalintii dirkeeniyo      ilaa duudki Nabi Aadam (C.S)

Ummadeeni diraacdiyo          halka deyrna eheedoo

Gumeystihii dabinkiisi,          intuu dowyo u yeelay

Shanta deyrna u qeybshay     midnimadiina ka deyray      

midnimadiina ka deyray        waa maalinteenu ka diidnay     

oo Calankeena la deyray        daa imow mahadaa

Maalintaan qiimaha badan, marka si kale loo eego waa maalintii xoreysay gobal Soomaaliyeed, dibna u mideysay laba gobal oo Soomaaliyeed.

Waa maalintii Abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde marki ay farxadi karaarka dhaaftay uu ku maasooday:

  • Ka siddeetan sebaaney                 Calankaannu sugaynaye
  • Sahankiisa ahaynow                    Seermaweydo hillaacdayow
  • Sagal maanta darroorayoo          Siigadii naga maydhayow
  • Saq dhexaanu ahayne                   Kii soo saaray cadceeddow
  • Samada kii u ekaaye                     Xiddigaa mid la siiyayow
  • Saaxirkii kala guurraye                 Sarreeyow ma-nusqaamow
  • Aan siduu yahay eegno e               Kaana sib kanna saar

AbwaanC/llaahi Suldaan Tima-cadde mar uu tilmaamayay farxadda uu dareemayay habeenkaas wuxuu yiri:

  • In sidayda tihiin iyo                  In kalaanan saxaynine
  • Soomaloo calan taagta             Saakay noogu horreysa oo
  • Seddax wiig iyo maalmo           Haddaan soor cuni waayo
  • Safrad laygama yaaboo             Sarina mayso naftayda e
  • Saaxirkii kala guurraye              Sarreeyow ma-nusqaamow
  • Aan siduu yahay eegno’e           Kaana sib kanna saar.

1-luulyo (First July) 1960, waxa ay bulshada Soomaalida u ahayd maalin aad uga u wayn,waxayna ku astaysan tahay maalin farxadeed oo ay heeryaddii gumaysiga iska rogeen gobalada koofureed kuna midoobeen labadii gobal ee waqooyi iyo koofur.

Si aan maankaada uga dhaadhiciyo mudnaanta uu waddaniga barigaa siinayay gobanimmadiisa waxaa tusaale buuxa u noqon karo Allaha u naxariistee Abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde oo 26-juun 1960, afar maalin ka hor 1-luulyo isla maasadaan ka tiriyay calan saarkii xorriyada gobalada waqooyi asigoo ka mariyay 12:00AM saqdii dhexe Beerta xurriyada ee magaalada Hargeysa, isla 1-luulya 1960kiina isla maasadaan ka tiriyay dhismihii xamar looga talinayay oo calanka buluugga ah laga taagay OFICIO GOVERNO.

Halkaas waxaa isugu yimi dad kumanaan gaaraya,kuwaasoo u oomanaa maalintaan oo kale. Taasoo ay usoo halgameen muddo dheer, rag badana u god-galeen, waa tii uu Allaha u naxariistee Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye “Qaasim” asna uu ku maansooday, markii uu la cajabay farxadda ay maalintaa gacanta ku hayeen iyo halgankii dheeraa ee uu Sayid Maxamed u god-galay, waana Qaasim oo Sayidka u sheegayo in halgankiisii aan laga harin wuxuuna yiri:

  • Allow yaa darwiishkii fariin dabacsan gaarsiiya
  • Allow yaa dadkaagii yiraa dowladnimo qaaday
  • Allow yaa dabbaaldeg iyo farxad kala dul eedaama
  • Fardaha yaa dirkii dhoodi meer doona faraciisa
  • Allow yaa darmaan fartaqaan duqa u kooreeya
  • Allow yaa dulleedada taleex uga damaashaada
  • Dhaaxuu u daakiray xaqoo naga dahsoonaaye
  • Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye
  • Allow yaa daluuntiyo qabriga dib uga soo saaro
  • In dariiqadii nooshahay dunida soo gaadhey
  • Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray
  • Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega.

1-bishii luulyo sanadkii 1960 waxaa bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqneyd labadii gobal ee gumeystaha laga fara-maroojiyay u bidhaamay madaxbannaani iyo dowladdnimo, waxa ayna caynka u dhuujiyeen Jamhuuriyadii Soomaaliya ee uu hormuudka ka ahaa Allaha u naxariistee mudane Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde”AHN iyo Ra’iisalwasaaranana uu ka noqday,AHN mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake, Afhayeenka golaha baarlamaankana waxaa loo doortay, AHN mudane Jaamac Cabdullaahi Qaalib.

Runtii maalintaas waxay inoo tahay maalin xasuus iyo meeqaam gooniya ku suntan.

Sanadguurada 59aad  ee maalinta guusha ee 1da Luulyo oo waxay ku suntan tahay xornimadii gobollada koonfureed ee dalka iyo midowgii gobollada waqooyi iyo koonfur, iyo dhalashadii Jamhuuriyadii koowaad ee Soomaaliya, hadaba su’aasha mudan in laga jawaabo waxay tahay, sidee Shacbiga Soomaaliyeed ku hantay madxbanaanidaasi,waasee kuwee halyeeyadii hoggaaanka u ahaa hanashadii libintaasi wayn.

Diiwaanka Taariikhda dal walba oo dunida ka mid ah waxaa ku xardhan sooyaalkii iyo kifaaxii umaduhu u soo galeen hanashada Madaxbanaanidooda,waxaana xusuus reebyadooda ku tilmaaman muwaadiniintii geesiyaasha ahaa ee naf iyo maalba u huray ku hoggaaminta shucuubta dariiqa guusha,

Shacbiga Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Sinji Keena diid ah, wuxuu ka mid yahay umadaha dunida ee ku tilmaan gumaysi diidka, lehna taariikh fac wayn oo gobanimadoon oo soo taxnayd dhowr qarni,geesiyaasha xusidda gaarka ah mudan  waxaa ka mid Imaam Axmed Ibraahim (Axmed Guray), Sayid Max’ed C/lle Xasan,Shiikh Bashiir, Shiikh Xasan Barsame, Xaaji Faarax oomaar, 13kii S.Y.L, Xoghayihii guud ee Xisbiga S.Y.L C/llaahi Ciise Max’uud.iyo geesiyaal badan oo naftooda u huray hanashada Xoriyadda.

Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hanaqaaday dhulka soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543. Axmad Gureey,waxaa u suuro gashay in uu si geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay ee doonayay ina ay Saanyadaan ciidda Soomaaliyeed.

Muddo kadibna Waxaa shucladdii halganka difaacidda sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Max’ed Cabdulle xasan oo dagaal muddo rubac qarni socday la galay gumaystihii Ingiriiska iyo kuwii kale,wuxuuna jab taariikkaysan ku dhigay ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta.

Sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan Karin ciidamada sayidka, isla sanadkaas ayaa ingiriisku go’aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 weerar ku qaadeen Saldhigyadii ciidamadii daraawiishta.

Halgankii Daraawiishta kadib, waxaa soo baxay halyeeyo dhallinyaro wadaniyiin ah oo naftooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan barsame, Xaaji Faarax Oomaar iyo sheikh Bashiir dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii may 1943dii iyo xoghayihii guud ee S.Y.L C/llaahi Ciise Max’uud  dhanka kale Gobollada waqooyi ee dalka ee ingiriiska gumaysanayay waxaa ka hanaqaaday xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo kifaax adag u galay sidii dalka iyo dadka looga duqaadi lahaa heeryadii gumaysiga.

1948dii waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dowladood ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida ee kala ahaa Maraykanka,Ingiriiska, Faransiiska iyo dalkii hore loo oran jiray Midowga Soofiyeti, isla sanadkaad Q/M waxay go’aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah ay u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga, kadibna xornimo la gaarsiiyo 1960ka.

12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L waxay guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal u saartay inay alifaan ama hal abuuraan naqshadda uu yeelanayo Calanka.Soomaaliya, waxaana ku guulaystay oo hal abuurkiisii la qaatay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5ta qeybood ee dhulka Soomaalidu ka kooban yahay, Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka,24tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxayna ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir,Ra’iisalwasaarana waxaa ka ahaa Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud,

Hadaba  markii ay soo dhawaatay gobannimada ,xilligaasi oo gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxda gobollada koonfurta ee talyaaniaga gumaysanayay iyo masuuliyiintii gobollada waqooyi oo uu gacanta ku hayay Ingiriiska waxayna ku heshiiyeen in ay midoobaan lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.

26kii juun 1960kii waxaa beerta xoriyadda ee magaalada Hargaysa laga suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah ee laga taago ciid Soomaliyeed, waana habeenkii uu marxuum C/llaahi Suldaan max’ed (Tima- cadde) ka mariyay goobtii Calansaarka Gabaygii Taariikhda galay ee ahaa Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kaana siib kanna saar). waxaana miraha gabaygaas ka mid ahaa:-

(ka siddeetan sabaan calankaannu sugeynaye, sahankiisa ahaynoow, seermaweydo hilaacdayoow, Sagal maanta darroorayow, siigadii naga mayrayoow, saqdhexaannu ahaynne, kii soo saaray cadceeddoo, Samada kii u ekaaye, xiddigaha mid la siiyayoow, Saaxirkii kala guurraye, Sarreeyow ma nusqaamoow aan siduu yahay eego’e kaana siib kanna saaree).

 

 

Afar maalmood kadibna oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed ee Soomaaliya, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur, waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee soomaaliya.

July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), wuxuuna xilka hayay 1/7/1960kii ilaa June 10, 1967, kadibna 1967dii waxaa doorashadii madaxtinimada dalka ku guulaystay Md. C/rashiid Cali Sharmarke , isagoo Ra’iisalwasaare u magacaabay md: Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal, Madaxwayne C/rashiid.C.Sharma’arke wuxuu  xilka hayay1967dii illaa 1969kii, Waxaa biyo kama dhibcaan ah taariikhda dalka iyo Sooyaalka soomaalida ku xusnaan doonta qiiradii iyo xornimo jacaylkii lagu keenay Calanka iyo midnimada dalka.

Xornimada Soomaaliya oo hadda laga joogo 59 sano waxaa lagama maarmaan ah in dib boorka looga jafo wadaniyaddii iyo is jacaykii dalka iyo dadka  Soomaaliyeed ku mataanoobeen taasi oo abwaanada soomaaliyeed ka yiraahdeen (Dhaaxaan murugo iyo haraad mudannee, maantay curatooy mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq).

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.